Agaasimaha Guud ee Wasaaradda H.Maalgashiga iyo Warshadaha ayaa shir gudoomiyay Shirka ILED

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Maalgashiga iyo Warshadaha Mudane Mohamad Osman Saeed (Somali)
ahna gudoomiyaha gudiga farsamo ee hagaysa mashruuca maalgashi ee Nordic Horn of Africa Opportunities Fund ayaa maanta gudoomiyay kulankii koowaad ee shirka. Shirkan oo ahaa ibbo furka, qorshe u samaynta iyo hagidda mashruucan oo kor loogu qaadaayo Maalgashiga iyo maalgalinta.

Qabsoomidda shirkan waxaa qayb laxaadleh ka qaatay wasaaradda Qorshaynta iyo horumarinta qaranka, iyadoo masuuliyiinta wasaaradda qorshayntu fudaydiyeen isku xidhka iyo abaabulidda kulankan waxaa ka hadlay Agaasimaha guud ee wasaaradda Qorshaynta Mudane Ahmed Yaasiin Muxumed Cadde iyo madaxa EU ee Somaliland Mudane Adnan Saleeban Hagoog; iyaga oo tilmaamay muhiimadda mashruucani uu u leeyahay dalka.

Mashruucan oo hoos imaada Inclusive Local Economic Development(ILED) ayaa lagu gorfeeyaa iskudubaridka iyo hannaanka maareynta ee loogu talagalay fududaynta gaadhitaanka ujeedooyinka barnaamijka, gudbinta tallaabooyinka mudnaanta leh iyo sidoo kale hawlgelinta habka isku dhafan iyo arimaha dhaqaalaha iyo Maalgashiga dalka taasi oo ay maamusho Hay’addaha IFU iyo Shuraako.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Mudane Mohamed Osman Saeed ayaa ku dheeraaday shaqada ay Wasaaraddu u qaabilsan tahay qaranka taasi oo ah inay diyaarinta jawi ku haboon maalgashiga iyada oo ahmiyadda koowaad tahay xeerarka, siyaasadaha iyo xeer-nidaamiyayasha hagaaya, dhiirrigelinaaya, fududaynaayana maalgashiga dalka.

Waxa uu sidoo kale Agaasimaha Guud ee W.Maalgashigu tilmaamay in dhawaan wasaaraddu fulindoonto shaqo balaadhan oo wax badan ka badelidoonta jawiga maalgashi ee dalka, taas oo ah daraasad ama cilmi baadhis balaadhan oo wasaaraddu ka fulindoonto dalka oo dhan ah.

Daraasaddan oo Wasaaradda Maalgashiga iyo Warshaduhu iyada oo la-kaashandoonta Wasaaradaha iyo haayadaha xukuumadda ee ka masuulka ah khayraadka dalka, laga samayndoono khayraadka dalkeena ee la maalgashankaro, hadday tahay Beeraha, Macdanta, Kalluumaysiga, Xoolaha Nool, Tamarta, Geedaha ama Dhirta, Dalxiiska, Tignoolajiyadda casriga ah, Beeraha iyo khayraadka la warshadaynkaro ee dalka yaalla.

Ugu dambayna Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maalgashigu waxa uu carabka ku adkeeyey ujeedada guud ee laga leeyahay Samaynta daraasaddan ama Cilmi baadhistan balaadhan inay tahay:-
1. Si loo helo xog dhab ah oo ku saabsan fursadaha maalgashi ee muhiimka ah, la-maalgashankaro, dalkana ka banaan, gaar ahaan wadaageyaasha ahmiyadda u ah dalka.
2. In la helo oo laga sameeyo daraasadda Hagaha Maalgashiga Somaliland
3. Iyo in la abuuro mareegta maalgashiga Somaliland, si xogta maalgashi ee dalka si fudud loogu ogaankaro.


@Xafiiska warbaahinta
Wasaaradda Horumarinta Maalgashiga iyo Warshadaha