Agaasimaha ee Wasaaradda H.M. iyo Warshadaha iyo wafti uu hogaaminyay ayaa gaadhay magaalada Berbera

Agaasimayaasha guud ee wasaaraddaha Horumarinta Maalgashiga iyo Warshadaha Jamhuuriyadda Somaliland mohamed Cismaan siciid iyo agaasimaha guud ee wasaaradda arimaha debedda iyo xidhiidhka caalamiga ah Siciid Ahmed Abdikarim oo uu weheliyo Safiirka Somaliland u fadhiya Dalka South Africa Mr Ahmed Jaamac Hassan, ayaa Maanta safar kooban oo indho-indhayn ah ku tagay Magaalo Madaxda Berbera ee Gobolka Saaxil.
Safarkan gaaban ee kormeerka ah oo daaranaa u kuur galka Mashaariicda Maalgashi ee ka socda magaalo madaxda gobolka saaxil ee berbera si indhahooda ay ugu soo arkaan weftigii ka socday dawladda South Africa ee uu hogaaminaayay madaxa Maalgashiga south africa Mr. Yunus Hoosen.

Weftigani oo danaynaya xidhiidh Maalgashi oo ay la yeeshaan Somaliland ayaa waxa Kormeerkan kusoo Mareen Marsada Dekedda Berbera iyo Aagga Cashuuraha ka caaggan ee berbera.