Agaasimaha Guud ayaa ka qayb galay shir ka dhacay magaalada Dubai

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda H. Maalgashiga iyo Warshadaha Mudane cabdifataax Ismaaciil Ducaale oo safar shqo ku jooga wadanka UAE ayaa waxa uu ka qayb galay shir ka qabsoomay Magaalada Dubai,
shirkan oo ay soo qabanqaabisay Safaarada Somaliland ee UAE,
ayaa ujeedkiisu ahaa kor u qaadida maalgashiga wadanka, waxaana wasaaradu halkaas kula wadaagtay ka qayb galayaasha shirkan fursadaha maalgashi ee ka jira Somaliland.
Shirkan oo Kulmiyeey maalgashato badan oo xiisa gaara u qaba inay maalgashaadaan Somaliland ayaa waxaa uu horseedi doonaa inay dhawaan wadanka yimaadaan maalgashadayaal waawayn si ay xogogaal ugu noqdaan fursadaha maal gashi ee ka jira wadanka una maalgashadaan