Agaasimaha Guud ee Wasaaradda ayaa qaabilay madax ka socota midawga yurub

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Maalgashiga Mudane Mohamed Osman Saed ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay madax ka socota Europe oo uu hogaaminayay Eragyga gaarka ah ee EU u qaabilsan Somaliland Mr. Mikeal Torstensson iyo Mr. Magnus Berntsson oo ah Gudida arimaha dibeda ee Midawga Yurub iyo Mr. John E. Wainerhall oo ah xubin ka tirsan baarlamanka dalka Sweden.

Waftigan ayaa dalka u yimi indho-indhayn ay ku samaynayeen meelaha la maalgashan karo si ay ugu soo bandhigaan maalgashatada yurub ee danaynaya Somaliland.

Sidoo kale agaasimaha Guud ayaa warbixino ka siiyay waftigan maalgashiga dalka iyo fursadaha yaala.