Agaasimaha Guud ee Wasaaradda H. Maalgashiga iyo Warshadaha ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Swedfund

Agaasimaha guud ee wasarada horumarinta maalgashiga iyo warshaduha oo uu wahelinayo agaasimaha cilmi baadhista, ayaa kulan la qaatay swedfund oo ah company maalgalinta u qaabilsan dawlada Sweden. Shirkadan oo maalgalisa dalalka soo koraya isla markaana kor u qaada helitaanka maaliyadeed ee dadka.
Kulankan waxa sido kale goobjoog ka ahaa shirkada shuraako oo ka hawl gasha dalka isla markaana fududaysa arimaha maalgashi iyo walibana helitaanka maaliyadeed ee muwaadiniinka dalka.
Arimaha lagu gorfeeyay kulankan waxaa ka mid sidii kor loogu qaadi lahaa helitaanka maaliyadeed ee muwaadiniinta, fursadaha maalgashi ee dalka iyo walibana sidii cilmi baadhis loogu sameeyn laha fursadahaa.