Agaasimaha Guud ee Wasaaradda H. Maalgashiga iyo Warshadaha ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafti ka socda Sweden

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Maalgashiga iyo Warshadaha ayaa xafiiskiisa kulan kula qaatay wafti wadanka Sweden ka socda kuwaas oo wakiil ka ahaa shirkado wadanka Sweden kasoo jeeda kuwaas oo xiisaynaya inay maalgashi iyo hawlo ganacsi ka fuliyaan wadanka Somaliland.
shirkadahan ayaa waxay si gaara u xiisaynayaan fursadaha maalgashi ee ka banaan dhinacyada Tamarta la cusboonaysiiyo(Renewable erergy), technologyada loo adeegsado qoraxda ee cunto karinta loo isticmaalo, maaraynta qashinka iyo maalgalinta laydhadhka lagu xidho wadooyinka.
Shirkadahan ayaa ka kala socda 8 gobol oo ka mida wadanka Sweden isla markaana xiisaynaya inay heshiisyo maalgashi iyo mid iskaashiba la galaan dawlada Somaliland gaar ahaan dawladaha hoose, iyagoo si tijaabo ahna usii bilaabay tijaabinta mashaariicda ay rabaan inay ka hirgaliyaan magaalooyinka Somaliland qaar ka mida sida Hargeisa, Berbera iyo Oodwayne.
Agaasimaha Guud oo ku hadlaya afka Wasaaradda Horumarinta Maalgashiga iyo Warshadaha ayaa si diiran u soo dhaweeyay waftiga iyo mashaariicaha ay rajaynayaan inay ka hirgaliyaan dalkaba isla markaana u balan qaaday inay wasaarad ahaan siin doonaan taageero iyo gacan buuxda sidii ay mashaariicdani si guul leh uga fuli lahaayeen dalka.