Agaasimaha Guud ee Wasaaradda H.Maalgashig iyo Warshadaha iyo xubno Maalgashato ah ayaa gaadhay berbera

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Maalgashiga iyo Warshadaha Mudane Maxamed Cismaan Siciid iyo xubno Maalgahsato ka socday madaxda Shirkadda SINOSOM ENERGY RESOURCES INVESTMENT CORP ayaa saaka gaadhay magaalo madaxda gobolka saaxil ee berbera.

Shirkaddan SINOSOM ayaa maalgashi ku samayn doonta deb-u-meertaynta warshadaynta caagga iyo birta (metal scrap and plastic recycling Factory) taasoo laga hirgalindoono Magaalada Berbera.

Agaasimaha Guud iyo maalgashatada ayaa kulamo la qaatay madaxda gobolka iyo masuuliyiinta DP World oo uga warbixyay mashaariicda horumarineed ee ka socda Dekadda iyo Free Zone ka.

@Xafiiska warbaahinta
Wasaaradda Horumarinta Maalgashiga iyo Warshadaha