Agaasimaha Guud ee Wasaaradda H.Maalgashiga ayaa kulan la qaatay UNIDO

Wefti uu hogaaminaayo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Maalgashiga iyo Warshadaha Mudane Maxamed Cisman Siciid ayaa maanta kulan kula qaatay magaalada Nairobi ee dalka Kenya Haayadda caalamiga ah ee UNIDO oo Horumarinta Warshadaha u qaabilsan qaramada midoobay.

Kulankan oo agaasimaha guud ay ku wehelinayeen Safiirka Somaliland u fadhiya dalka Kenya iyo agaasime waaxeedada wasaaradda gaar ahaan agaasimaha waaxda Horumarinta warshadaha ayaa waxa lagu lafoguray sidii ha'ayadda UNIDO uga qaybqaadan lahayd Horumarinta warshadaha dalka isla markaana dalka uga fulin lahaayeen mashaariic iyo daraasaddo khuseeya horumarinta Warshadaha.

Kulankaas oo la iskula qaatay qodobo muhiima iyo sidii loosii wadi lahaa dadaalka iyo wada shaqaynta labada dhinac.