Agaasimaha Guud ee Wasaaradda H.Maalgashiga iyo Warshadaha ayaa qaabilay wafti ka socda Shirkadda Orbit

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Maalgashiga iyo Warshadaha Mudane Mohamed Osman Sa'eed ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafti ka socda shirkadda Orbit oo laga leeyahay dalka hindiya.

Shirkaddan ayaa daba socotay wafti uu hogaaminayay madax-weyne ku xigeenka Somaliland oo Safar shaqo ugu tagay dalka hindiya.
Kulanka ayaa uu Agaasimuhu ugu soo bandhigay warbixino ku saabsan Maalgashiga warshadaynta dalka, halkaaasi oo ay madaxda Shirkadda Orbit ayxiisaynayeen Maalgashiga dhinaca Warshadaha ah.

@Xafiiska warbaahinta
Wasaaradda Horumarinta Maalgashiga iyo Warshadaha