Agaasimaha Guud ee Wasaaradda H.Maalgashiga iyo Warshdaha ayaa qaabilay watfi ka socda Hamburg Port Company

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Maalgashiga iyo Warshadaha Mudane Mohamad Osman Saeed ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafti ka socday Hamburg Port Company oo ka kooban Mr. Lars Greiner Madaxa qaybta Africa iyo Mrs. Christine Prieser Madaxa qaybta Iibka oo uu horkaacyay Safiirka Somaliland u fadhiya Wadanka Jarmalka Mr. Mustafa,
Hamburg Port Company oo ah Shirkad dawladeed oo oo maalgelin ku samaysa in ka badan 140 dekadood iyo Airport oo caalamka ah.
Agaasimaha Guud ayaa warbixino ka siiyay Horumarka balaadhan ee ka socda Dekadda iyo Free Zone ka Berbera iyo samaynta Aagaga warshadaha gaara ahaan Hargeisa Industrial Zone oo diyaar ah iyo sida ay Somaliland markasta u soo dhawaynayso Maalgalin dhinaca Horumarinta Dekaddaha ah.

@Xafiiska warbaahinta
Wasaaradda Horumarinta Maalgashiga iyo Warshadaha