Agaasimaha Guud ee Wasaaradda H.M.Warshadaha ayaa kulan la qaatay Masuuliyiinta shirkadda UIT

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Maalgashiga iyo Warshadaha Mudane Maxamed Cismaan Siciid ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Wafti ka socda Shirkada United International Technologies oo uu Hogaaminayey Director Mr Ethan Skenderovski.
Shirkadan ayaa laga leeyahay dalka Macedonia waxa ayna danaynaysaa in ay Maalgashi ku samayso dhinaca Kaluumaysiga iyo Dalxiiska.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda ayaa uga warbixiyey sida ay muhiimka u tahay Maalgashi Shisheeye iyo Fursadaha ay danaynayaan ka dawlad ahaan in la Maalgashado.

Kulanka Agaasimaha Guud waxa ku wehelinayay Agaasimaha Waaxda Maalgashiga Cabdale Maxamuud Sheekh Cabdilaahi.
@Xafiiska warbaahinta
Wasaaradda Horumarinta Maalgashiga iyo Warshadaha