Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Maalgashiga ayaa qaabilay wafti ka socda Utho Capital

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Maalgashiga iyo Warshadaha Mudane Mohamad Osman Saeed(Somali), Mareeyaha Dekadda Berbera iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arimaha Dibada, Iskaashiga caalamiga iyo Safiirka Somaliland u fadhiya South ayaa qaabilay wafti balaadhan oo ka socda Shirkadaha ugu waaweyn dalka South Africa oo kala ah Utho Capital iyo Gohela Construction and Projects.
Shirkadahan oo dalka u yimi Maalgashiga dhinaca Banking Sector iyo Warshadaynta kuwaasi oo warbixino dheeraad ah iyo indho-indhayn ku tagi doona meelaha muhiimka ah ee ku haboon.

Agaasimaha Guud ayaa uga warbixiyay fursadaha maalgashi ee dalka kuwaasi oo ay u furan tahay cid kasta oo diyaar u ah maalgashi isla markaana ay diyaar u yihiin xeerarka iyo siyaasadaha dhiirigalinya Maalgashiga.

@Xafiiska warbaahinta
Wasaaradda Horumarinta Maalgashiga iyo Warshadaha