Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Maalgashiga iyo Warshadaha Somaliland ayaa ka qayb galay Carwo Ganacsiyeedka Ethiopia

Agaasimaha guud ee wasaaradda horumarinta maalashiga iyo warshadaha Mudane Maxamed Cismaan Siciid oo ay wehelinayaan ganacsato kasoo jeeda Somaliland ayaa ka qayib galay Carwo ganacsiyeedka 12th Ethio-Chamber International Trade Fair.
Agaasimaha Guud iy weftigiisa ayaa kulamo iyo shirar goosgoos ah la yeeshay madaxda sare ee wasaaraddaha ganacsiga iuo warshadaha Ethiopia iyo Ethiopian investment commission.
Qabanqaabada shirkan oo ay iska kaashadeen Wasarada Ganacsiga iyo Warshadaha Ethiopia iyo Wasaaradda Horumarinta Maalgashiga iyo Warshadaha Somaliland.
Kulanka waxaa ka shaqeyay Safarada Somaliland ee Ethiopia oo u hogaminaayo safiir ku xigeenka safarada somaliland mudane Barkhad Maxamed Kaariye.