Agaasimaha Guud ee W.H.Maalgashiga iyo Warshadaha ayaa soo dhaweeyay wafti ka socda South Africa

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Maalgashiga iyo Warshadaha Jamhuuriyadda Somaliland Maxamed Cismaan Siciid iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arimaha Dibedda iyo Xidhiidhka Caalamiga ah Siciid Axmed Cabdikariim iyo Safiirka Somaliland u fadhiya South Africa Mr Axmed Jaamac Hasan, ayaa Saaka Aroornimadii hore ku qaabilay kuna soo dhawayeeyey Madaarka Caalamiga ah ee Egal International Airport, Wafti sare oo ka kooban Maalgashato iyo Ganacsato ka socday Wasaaradda Ganacsiga, Maalgashiga iyo Warshadaha ee South africa, Waftigan oo uu Hoggaaminayay Madaxa Maalgashiga South Africa Mr. Yunus Hoosen.

@Xafiiska Warbaahinta ee Wasaaradda Horumarinta Maalgashiga iyo Warshadaha.