Daahfurka Qorshaha Sanadka 2025

Daahfurka Qorshaha Sanadka 2025

Waxa Maanta si rasmi ah loo daah furay laguna Soo gunaanadey qorshaha shaqo Ee Sanadka 2025ka Wasaaradda H. Maalgashiga iyo Warshadaha
Kulankan ayaa waxaa furay Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda H. Maalgashiga iyo Warshadaha Mudane Abdifatax Ismaaciil ducaale waxana uu ka hadlay muhiimada qorshahani u leeyahay shaqada Wasaaradda, isagoo Bogaadiyey Waaxda Qorshaynta iyo dhamaan Agaasimaha Waaxyaha Kala Duwan
Waxaanu kula dardarmay Dhamaan Agaasima Waaxeedyada Inay Shaqada u gutaan sida ugu haboon kana soo baxaan Xilgudashadooda iyo sidii ay u hirgalin lahaayeen qorshayaasha u qorshaysan
Gabo gabadii Wasiirka Wasaaradda H. Maalgashiga iyo Warshadaha Mudane Siciid Maxamed Buraaale ayaa soo gunaanaday kulankan isago Agaasimaha Waaxyahaya kala duwan kula dar darmay inay fuliyaan qorshaha u qorshaysan Sanadkan 2025ka una gutaan sida ugu haboon.