Golaha Wasiiradda ayaa ansixiyay Xeerka Maalgashiga

Shirkii 63-aad ee golaha Wasiirrada Somaliland oo uu shir guddoominayay Madaxwaynaha Qaranku Mudane Muuse Biixi Cabdi , ayaa lagu ansixiya xeerka Maalgashiga Jamhuuriyadda Somaliland oo ay soo diyaariyeen Wasaaradda Horumarinta Maalgashiga iyo Xafiiska Garyaqaanka Guud. Xeerka oo hore Wasaaraddu ugu gudbisay golaha ayaa ugu dambayn maanta lagu ansixyay shirkii 63-aad ee golaha.