Hay’adda Shaqaalaha Dawladda oo tabobar u fidisay Agaasimayaasha Waaxyaha


Hay'ada shaqaalaha Dawladda JSL ayaa Agaasime-waaxeedyada Wasaaradda Horumarinta Maalgashiga u qabatay Tababar la xidhiidha Maaraynta iyo Qiimaynta Hawl-qabadka Shaqaalaha Wasaaraddaas.

Kullanka ayaa waxa kasoo qeyb-gashay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maalgashiga Marwo Deeqa Cabdi Yuusuf iyo dhammaan Agaasime Waaxeedada.

Mas’uuliyiinta Hay'ada shaqaalaha Dawladda ayaa la wadaagay Madaxda Wasaaradda Maalgashiga muhiimada ay leedahay ku-dhaqanka Siyaasadaha iyo Habraacyadda ka farcama ee lagu eegayo Hawlqabadka iyo Tayadda shaqaalaha Dawladda.