
Heshiiska Wasaaradda Horumarinta Maalgashiga iyo Warshadaha, Wasaaradda Xanaanada Xoolaha iyo Shirkadda Huseyin Bilen
Maanta oo ay taariikhdu tahay 28-ka May, 2025, Wasaaradda Horumarinta Maalgashiga iyo Warshadaha iyo Wasaaradda Xanaanada Xoolaha & Horumarinta Reer Miyiga ayaa si wada jir ah u kala saxeexday heshiis Maalgashi oo lala galay shirkadda Huseyin Bilen Ali Oglu, oo ah shirkad fadhigeedu yahay dalka Turkiga. Heshiiskan ayaa ku saabsan maalgashi toos ah oo shirkaddu ku samaynayso xoolaha nool, hilibka, iyo calafka xoolaha ee gudaha Somaliland.Ugu horrayn waxa ka war bixiyay heshiiskan iyo ujeedadiisa Agaasimaha Guud ee Wasaarada H.Maalgashiga & Warshadaha Mudane Cabdifataax Ismaaciil Ducaale.
Sidoo kale, waxa isna faahfaahin ka bixiyay heshiiskan Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha mudane Cali Axmed Cabdi.
Waxa isna ka hadlay heshiiskan Guddoomiyaha Shirkadda mudane Hüseyin bilen ali oğlu, isaga oo xusay in uu ku faraxsanyay inuu Somaliland ka hirgaliyo Maalgashi noocan oo kale ah.
Gabagabadii waxa munaasibadaas hadalka iska daba qaatay Wasiirrada Wasaaradda Horumarinta Maalgashiga iyo Warshadaha Mudane Siciid Maxamed Buraale iyo Xannaanada Xoolaha Mudane Cumar Shucayb. Iyaga oo ku dheeraaday muhiimadda uu leeyay Maalgashigani.
Wasaaradda H. Maalgashiga iyo Warshadaha oo dedaal ugu jirta sidii dalka looga hir galin lahaa Maalgashi waxtar leh ayaa dedaal wayn ku bixisay in uu hirgalo heshiiskani.