Kormeerka Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maalgashiga iyo Warshadaha ee Magaalada Wajaale

Wefti balaadhan oo ay hogaaminayaan Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maalgashiga iyo Warshadaha Somaliland Mudane; Abdilahi Abdirrahman Aarreh iyo Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Beeraha mudane; Mohamed Cismaan jaamac iyo Gudoomiya Comission ka Tamarta Mudane Ahmed Faarax Cadarre ayaa maanta gaadhay gobolka Gabilley.
Waxaa weftigan la socday saraakiil ka mid ah wasaaradaha Maalgashiga iyo Beeraha somaliland oo uu ka mid ahaa Agaasimaha guud ee wasaaradda horumarinta maalgashiga Mudane Mohamed Osman Saeed.
Weftigaas oo ay wehelinayeen Maalgashadeyaal iyo ganacsato kuwaas oo shalay subaxnimadii soo gaadhay Somaliland kana soo kicitimay waddanka boqortooyada Saudi Arabia ayaa si diirran loogu soo dhaweeyey gobolka Gabiley. Maayarka Degmada gebilley Mudane Maxamed Aamiin ayaa soo dhaweyn iyo hadhimo sharafeed ku sooray weftigaas.
Xubnahan maalgashadayaasha ayaa danaynayey in ay maalgelin ku sameeyaan beeraha dihin ee dalkeena.
Gelinkii dambe ee maanta ayaa weftigani socod kusoo mareen magaalo ganacsiyeedka Wajaale iyaga oo soo indha-indheeyey banka wajaale oo ka mid ah goobaha waddanka maalgashiga dhanka beeraha ugu mudan.
Waxa ayna weftigaasi aad ula dhaceen sida ay deegaanadaasi ugu habboonyihiin waxbeerista iyo ugubnimada ciidaas ee ka faa'iidaysiga mudan. Weftigan ayaa balan qaaday in ay mashaariic ka maalgashan doonaan goobaha ay u arkaan in ay ku hirgeli karaan hindisayaasha ay wataan.