Kulan lala yeeshay Investment Center of Africa (ICOA).

Saaka ayaa kulan lagu qabtay xarunta wasaaradda Maalgashiga iyo horumarinta Warshadaha oo uu ugu horeeyo wasiirka Mudane Cabdirisaaq Ibraahim Maxamed, iyo Agaasimaha Guud ee wasaaradda Mudane C/kariin Aadan Cadde, iyadoo ay wasaaraddu marti-gelisay Gudoomiyaha Hay’adda investment center of Africa (ICOA), Mudane Cabdinaasir Turkiga.

Kulankan madaxda Wasaaradda iyo ICOA ayaa laga wada hadlay iskaashiga mustaqbalka ee maalgashiga iyo horumarinta mashaariicda qaranka,
ICOA waxay martigelisaa laba jeer sannad kiiba shirar maalgashi oo Afrika ah, si kor loogu qaado maalgashiga Afrika iyo dhisidda shabakado xirfadeed ( Africa Trade & Investment Summit- ATIS ). Iyadoo Wasaaraddu ay qorshaynayso in kor loo qaado dhiirigelinta maalgashiga si loo soo jiito maalgashiga shisheeye ee Somaliland, iyadoo lala kaashanayo saaxiibadeeda caalamiga ah.