Kulanka Agaasimaha Guud iyo Shaqaalaha Wasaaradda Horumarinta Maalgashiga iyo Warashadah

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Horumarinta Maalgashiga iyo Warshadaha mudane Maxamed Cismaan Siciid ayaa saaka kulan isbarasho ah la qaatay shaqaale weyanaha wasaarada.
Kulanka ujeedkiisu ahaa isbarasho, soo dhaweyn iyo dardaaran uu Agaasimaha Guud la qaadanaya dhamaan shaqaalaha Wasaaradda.
Ugu horreyn waxa shirka furtay Agaasimaha Waaxda Cududa Shaqaalaha Marwo Fadxiaya Maxamed Cabdiraxmaan oo ka hadashay soo dhawynta Agaasimaha Guud ee Cusub.
Waxa isna hadalka qaatay Agaasimaha guud ee Wasaaradda Mudane Maxamed Cismaan Siciid (Maxamed Somali). isga oo shaqaalaha uga mahadnaqay sida fiican ee ay ugu soo dhaweeyan wasaarada.
Agaasimuhu waxa kale oo uu ku dheeraaday shaqaalahana ugula dardaarmay sidii shaqada uu qof kastaa masuuliyad isaga saari lahaa oo uu sida ugu fiican uga soo bixi lahaa, isaga oo taabtay in shaqaalaha lagu qiimayn doono qofka kastaa shaqada uu qabto laguna abaalmarin iyo dhiirigalin doono kolba shaqaale kastaa sida uu u qabto shaqada si ay u kala duwanaadan qofka shaqada si maalinle ah u yimaada iyo ka aan soo xaadirin.
Ugu dambayntii Agaasimaha Guud waxa uu soo ka dhawaajiyay in uu soo dhawynayo wixii talo,tusaale iyo tilmaan ee shaqaaluhu u soo gudbiyaan Agaasimaha.

@Xafiiska warbaahinta
Wasaaradda Horumarinta Maalgashiga iyo Warshadaha