KULANKA DIB U EEGISTA QARSHIHII 2023 IYO QORSHAHA SANADKA 2024


Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maalgashiga iyo Warshadaha Mudane Abdirisaq Ibrahim Mohamed oo uu weheliyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Mudane Abdikarim Adam Saed iyo dhammaan Agaasime waaxeedada wasaaradda ayaa saaka kaga qayb galay xarunta Wasaaradda kulanka dib u eegista waxqabadka qorshihii 2023 iyo qorshaha 2024.

Ugu harayn Wasiirka ayaa furay kulankan waxa uu ku dheeraaday ahmiyadda ay leedahay in la dardar galiyo qorshaha sanadka cusub.
Kulankan dib loogu eegyayay waxqabadkii sanadkan dhamaday 2023ka iyo Diyaarinta Qorshaynta Sanadkn spo socda 2024 ka Waxa ka war bixiyay oo warbixino lagaga dhagaystay dhamaan Agasime Waaxeedyada Wasaaradda oo ka war bixiyay waxii u qabsoomay sanadkan tagay iyo qorshaha aay doonayan inaay qabtan sanadkan cusub.

Kulankan oo aay soo qabanqabisay kana soo shaqaysay Ag. Waaxda Qorshaynta Hibaq Cali Abdo.
Sidoo kale agaasimaha Guud ayaa xusay in qorshihii sanadkan 2023 wixii caqabado soo wajahay la darso laguna saleeyo qorshaha 2024.


@Xafiiska warbaahinta
Wasaaradda Horumarinta Maalgashiga iyo Warshadaha