Kulanka loogu soo bandhigayo Fursadaha Maalgashi ee Dalka

waxa Assod Hotel ka qabsoomay Kulan balaadhan oo ay ka soo qayb galeen Wafti Heer sare ah oo ka socda Dawlada Boqortoyada Sacuudi Carabiya. Waftigan oo uu Hogaaminayey H.E Abdulsalam Al-Enezi. Waftigan ayaa ah Daneeyayaal xaga Maalgashiga Dalka oo is kugu jira Masuuliyiin ka socda Dawlada Boqortoyada Sucuudi Carabiya iyo Maalgashadayaal Sucuudi ah.
Waxaa kale oo Kulankan balaadhan ka soo qayb galay Masuuliyiin sare oo ka tirsan Xukuumada iyo Ganacsadayaal Dalka u dhashay Masuuliyiintaas ayaa ah.
1. Wasiirka Wasaarada Hormarinta Maalgashiga iyo warshadaha Mudane Cabdulahi cabdiraxmaan Aare.
2. Wasiirka Isgaadhsiinta iyo Technology-yada.
3.Wasiirka Macdanta iyo Tamarta.
4.Wasiirka Horumarinta Beeraha.
5.Wasiir ku xigeenka Xanaanada Xoolaha iyo Kaluumaysiga.
6.Gudoomiyaha Koomishanka Tamarta.
6. Agaasimaha Guud ee Wasaarada Hormarinta Maalgashiga iyo Warshadaha Mudane Maxamed Cismaan Siciid (M,Soomali).
9.Agaasimaha Guud ee Wasaarada Ganacsiga iyo Dalxiiska.
10.Agaasimaha Guud ee Wasaarada xanaanada, Xoolaha iyo Kaluumaysiga.
Kulankan ayaa lagaga hadlay Muhiimada iyo Faa'idooyinka Fursadaha Maalgashi ee ka jira Dalka iyo sidii Dalka Sucuudi Carabiya aynu is kaga kaashan lahayn Maalgashi Caalami ah.
Waftigan ayaa ku sii Sugnaan doona Dalka Maalmaha soo socda si ay ugu Kuurgalaan Fursadaha Maalgashi ee Dalka.