Kulanka Maalgashatada iyo Masuuliyinta Wasaaradda

Hall-ka Shirarka Wasaaradda Horumarinta Maalgashiga iyo Warshadaha waxa ka qabsoomay Kulamo isdaba jooga oo lala yeelanayo Maalgashatada Noocyadooda kala duwan.
Xarunta Wasaaradda Horumarinta Maalgashiga iyo Warshadaha waxa ka qabsoomay Shir u dhaxeeyaay Maalgashatada dalka qaybaheeda kala duwan.
Kulankan Waxa Hoggaaminayay Agaasime Guud ee Wasaaradda Mudane Maxamed Cismaan Siciid iyo Agaasimaha Waaxda Maalgashiga Cabdale Maxamuud Sheekh Cabdilaahi, iyo Madaxa Diwaangelinta Waaxda Maalgashiga ee Wasaaradda Ciise Cismaan Cilmi.
Ujeedada ayaa daaranayd;
1. Sidii ay isku baran lahaayeen Wadaagayaasha kala duwan ee Maalgashada.
2. Sidii loo xoojin lahaa isku xidhka Wasaarada iyo Maalgshatada qaybaheeda kala duwan.
3. Sidii loogu diyaar garoowi lahaa ka qayb qadashada National Investment baseline Survey ay dhawaan Wasaaradu bilaabi doonto.


@Xafiiska warbaahinta
Wasaaradda Horumarinta Maalgashiga iyo Warshadaha