Kulanka Qabyo qoraalka xeerka Warshadaha

(Arbaca) 23.03.2023
Waxaa Saaka oo Arbaca ah ka qabsoomay Baraar Hotel Hargeysa. Kulanka Wadatashiga qabyo-qoraalka Xeerka Hormarinta Warshadaha, Kulankan oo ay ka soo qaybgaleen Madax kala duwan oo ay kamid yihiin;
1. Wasiir ku xigeenka Wasaradda Hawlaha Guud dhulka iyo Guuriyeenta Maxmuud Warsame Jamac
2..Mayarka Magaalada Hargaysa C.karim Axmed Mooge
3.AG.uud ee Wasaaradda Maalgashiga iyo Warshadaha Mudane Maxamed Cismaan Siciid .
4. AG. Guuud Wasaarada Ganacsiga iyo Dalxiiska.
5. AG.Guud ee Wasaaradda Gadiidka iyo Horumarinta Jiidadka
6. AG. Guud Wasaarada Dastuurka iyo Xidhiidhka Golayaasha
7. Gudoomihaya Ururka Warshadlayda
8. Agaasimaha Guud ee Hayada Caymis ka qaranka
9. Gudoomiye ku xigeenka Madabacada Qaranka
10.Gudoomiyaha dib u haybaynta shuruucda
11.Ag guud Wasaaradda Arimaha Dibada
Madax ka socota Hayadaha Madaxa baanan iyo kuwa dawligaba, Martii sharaf kale, khabiiro, Sharciyaqaano iyo daneeyayaasha arihimaha Warshadaha.
Kulanka oo ujeedadiisu ahayd Wadatashiga qabyo-qoraalka Xeerka Warshadaha kasoo lagu gorfaynayo sidii uu u nooqon lahaa Xeerka midha-dhala oo dalka iyo dadkaba anfacaya.

Dhamaan Madaxdii kala duwanayd ee ka hadashay Kulanka waxay sheegeen oo ay ku dheeraadeen Muhiimada iyo Faa'idada ay u leedahay Xeerka Horumarinta Warshadaha Dalka taas oo Baahi weyn loo qabay Hirgelintisa.

Wasaarada Horumarinta Maalgashiga iyo Warshadaha ayaa muddo badan ka shaqaynaysay Hirgelinta Xeerka Hormarinta Warshadaha waxay Wasaaradu u mahadcelinaysaa Dhamaan daneeyaashii iyo ka soo qayb galayashi oo dhan.
Xaflada waxa soo xidhay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda.

@Xafiiska warbaahinta
Wasaaradda Horumarinta Maalgashiga iyo Warshadaha