Kulanka Safiirka Turkiga iyo Madaxda Wasaaradda

Qunsulka dawladda Turkiga u fadhiya Somaliland, ayaa maanta kulan la yeeshay wasiirka Wasaaradda H. Maalgashiga iyo Warshadaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Siciid Maxamed Buraale.
Kulankan ayaa ujeedadiisu ahayd hoojinta iskaashiga iyo kor u qaadida maalgashiga dalka Somaliland iyo sidii maalqabeenada Turkigu u maal gashan lahaayeen JSL.
Kulankani oo ka qabsoomay xarunta wasaaradda maalgashiga iyo horumarinta warshadaha Somaliland, ee magaalada Hargeysa, waxa wasiirka ku wehelinayay wasiir ku xigeenka Eng. Maxamed Cilmi Huuno iyo agaasimaha guud ee wasaaradaasi Cabdifataax Ismaaciil Ducaale.
Jamhuuriyadda Somaliland iyo dowladda Turkiga ayaa waxa sannadihi u danbeeyay ka dhaxeeyay xidhiidh ganacsi iyo mid siyaasadeed, iyado sidoo kalena ay jiraan ganacsato u dhashay dalka Turkiga oo mashaariic horumarineed iyo Maalgashi ka fulinaya JSL.
Dawladda Turkiga Ayaa Mudooyinkii U danbeyaay Danaynaysey Inay Maalgashiyo Kala Duwan Ka Hirgaliso Jamhuriyada Somaliland
Masuuliyinta ugu sarreya Wasaarada H.Maalgashiga Iyo Warshadaha, ayaa inta badan qaabila ganacsato iyo tujaar ka socota waddamo badan oo caalamka ah iyo shirkado maalgashi oo doonaya inay JSL, ka fulinayaan mashaariico horumarineed oo dalka dhaqaale iyo fursado shaqo abuur.