kULANKA WADA TASHIGA SIYAASADDA WARSHADAHA

Waxaa Saaka oo Arbaca ah ka qabsoomay Assod Hotel Hargeysa. Kulanka Wadatashiga qabyo-qoraalka Siyaasadda Hormarinta Warshadaha, Kulankan oo ay ka soo qaybgaleen Madax kala duwan oo ay kamid yihiin;
1. Wasiirka Wasaarada Hormarinta Maalgashiga iyo Warshadaha Mudane Cabdilaahi Cabdiraxmaan Aare.
2. Wasiirka Hormarinta Maaliyada.
3. Wasiirka Hormarinta Horumarinta Beeraha.
4. Wasiirka ku xigeenka Warfaafinta Dhaqanka iyo Wacyigelinta.
5. Gudoomihaya Ururka Warshadlayda
6. Agaasimaha Guud ee Wasaarada Hormarinta Maalgashiga iyo Warshadaha Mudane Maxamed Cismaan Siciid (M.Soomali).
7. Agaasimaha Guud ee Wasaarada Ganacsiga iyo Dalxiiska.
8. Xilibaano ka tirsan Golaha Kakiilada
9. Ganacsato Warshadlay ah iyo Ganacsato kale oo kala duwan.
10. La taliyaha Madaxwaynaha Arimaha Dhaqaalaha.
Kulanka oo ujeedadiisu ahayd Wadatashiga qabyo-qoraalka Siyaasadda Hormarinta Warshadaha.
Dhamaan Madaxdii kala duwanayd ee ka hadashay Kulanka waxay sheegeen oo ay ku dheeraadeen Muhiimada iyo Faa'idada ay leedahay Hirgelinta Siyaasadda Horumarinta Warshadaha Dalka taas oo Baahi loo qabay Hirgelinteeda.
Wasaarada Horumarinta Maalgashiga iyo Warshadaha ayaa muddo badan ka shaqaynayay Hirgelinta Siyaasadda Hormarinta Maalgashiga, waxa ayna Wasaaradu u mahadcelinaysaa Dhamaan daneeyaashii Siyaasadda Hormarinta Warshadaha..


@Xafiiska warbaahinta
Wasaaradda Horumarinta Maalgashiga iyo Warshadaha