Kulanka Wasaaradda H.Maalgashiga iyo Dalada SOFFA

Waxa Shalay Kulan ka Qabsoomay Hall-ka Shirarka Wasaaradda Horumarinta Maalgashiga iyo Warshadaha, Kulan ay ka soo Qayb galeen, Qayb ka mida Dalada Somaliland Business Foriengn Forwarders Association SOFFA Xubno ka mida Ganacsatada waweeyn wax soo dejisa, Maareeyaha Dakadaaha Jsl Siciid Xasan Ibraahim, Guddomiyaha Gobolka Saaxil Dr Axmed Xaashi, Guddomiyaha Hay'ada Tamarta Axmed Faarax Cadare, Guddomiyaha Dalada Logistics-ka SOFFA Axmed Ciise Ibraahim, Wakiilka JSL ee Jarmalka Mustafe Yuusuf Ismaaciil,
Shirkaas oo ay Hoggaaminayeen Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maalgashiga iyo Warshadaha Mudane Cabdilaahi Cabdiraxmaan Aare iyo Agaasimaha Guud Maxamed Cismaan Siciid 'Soomaali'. Shirkaas oo lagaga hadlayay oo laguna Gorfeeyay Maalgashi in ay ku Sameyn doonaan dalaka qaar ka mid ah Shirkadaha waawayn ee Jarmalka. iyo u Diyaargarowga Martiqaad Rasmi ah oo ay ka heleen qaar ka mid ah Shirkadaha waawayn ee dalka Jarmalka
Waxa la isla Gartay in Bisha 5 aad ee Sanadkan ay tagi doonaan Wafti heer sare ah oo ay Hoggaamin doonto Wasaaradda Horumarinta Maalgashiga iyo Warshadaha iyo Qayb Ka mida noqon doonaan qaar ka mida Madaxda Ganacsatada Dalada SOFFA
Shirka ayaa ku soo gabagaboobay is Afgarad.

@Xafiiska warbaahinta
Wasaaradda Horumarinta Maalgashiga iyo Warshadaha