kulanka Wasiirka Wasaaradda H.Maalgashiga iyo Gudoomiyaha Shirkadda ICOT

Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maalgashiga iyo Warshadaha Mudane Cabdilaahi Cabdiraxmaan Aare ayaa xafiiskisa ku qaabilay gudoomiyaha shirkada ( ICOT ) Dr. Ahmet Yebrudi iyo wafti uu hogaaminayay gudoomiyuhu
Shirkadaas oo fadhigeedu yahay UK
Ujeedada kulanka ayaa ahayd dhawr Arimood oo ay ugu muhiim sanaayen
1. Inay shirkadu danaynayso inay maalgashato dalka
2. Inay sameen doonaan hangaro lagu kaydin doono raashinka nooca baalka leh laguna warshadeen doono dalka loona sii gudbin doono qaar kamida Dalalka Africa
Wasiirka ayaa uga warbixiyey sida ay muhiimka u tahay Maalgashi shisheeye iyo fursadaha ay danaynayaan ka dawladd ahaan in la Maalgashado.
Ugu dambayntii kulanka ayaa kusoo gabogaboobey is Fahan iyo is Afgarad labada dhinac.

@Xafiiska warbaahinta
Wasaaradda Horumarinta Maalgashiga iyo Warshadaha