kulanka Wasiirka Wasaaradda H.Maalgashiga iyo Second Counsellor kenya Liaison Office

Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maalgashiga iyo Warshadaha Mudane Cabdilaahi Cabdiraxmaan Aare ayaa xafiiskisa ku qaabilay Second Counsellor Kenya Liaison Office, Somaliland  mudane Charles K. Waichari iyo Head of Kenya Liaison Office, Somaliland mudane Benson M. Mwaliko 
Ujeedada kulanka ayaa ahayd dhawr Arimood oo ay ugu muhiim sanaayen 
1. Fursadaha Maalgashi ee ka jira dalka 
2. Sidii ay ganacsatada dalka Kenya u maal gashan lahaayeen dalka Ganacsatada Somaliland ayaguna Umaal gashan lahaayen dalka Kenya 
Wasiirka  ayaa uga warbixiyey sida ay muhiimka u tahay Maalgashi shisheeye iyo fursadaha ay danaynayaan ka dawlad ahaan in la Maalgashado.
Waxaanu lawadaagay qoraal ku saabsan Maalgashiga
Ugu dambayntii kulanka ayaa kusoo gabogaboobey is Afgarad iyo in Kulamadn lasii joogteyo.


@Xafiiska warbaahinta
Wasaaradda Horumarinta Maalgashiga iyo Warshadaha