Kulanka Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maalgashiga iyo Warshadaha iyo Wafti ka socda Midowga Yurub

Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maalgashiga iyo Warshadaha Mudane Abdilaahi Abdirahman Aare ayaa maanta xafiiska kula kulmay wafti sare oo ka socday Midowga Yurub iyo Baananka Horumarinta Maalgashiga ee Yurub. Ujeedada ugu wayn ee waftigan ayaa ahayd sidii ay u indha-indhayn lahaayeen fursadaha ganacsi iyo kuwa maalgashi ee Somaliland ka jira iyo sidii ay xidhiidh iskaashi oo khuseeya horumarinta Maalgashiga iyo ganacsiga somaliland u wada yeelan-lahaayeen Wasaaradda Horumarinta Maalgashiga iyo Warshadaha. Waxaa intaas dheerayd sidii loogawada shaqaynlahaa abuuridda xidhiidh wada-ganacsi oo dhexmara ganacsatada Somaliland iyo Midawga yurub.