Safarka Wasiirka ee kormeerka Warshadaha gobolka Saaxil


Wafti Uu Hogaaminaayey Wasiirka Wasaaradda H. Maalgashiga iyo Warshadaha Mudane Siciid Maxamed buraale Oo Ay Ku Weheliyaan Qaar Ka Mida Agaasime Waaxeedyadaa Wasaarada Ayaa Safar Shaqo Ku Tagay xarunta Gobalka Saaxil ee BerBera.
Ugu Horeyn Waftiga Wasiirka Ayaa Kulan La Qaatey Badhasabka Gobalka saaxil Waxaanuu Uga Warbixiyey U Jedaada Safarkiisa.
Wasiirka Iyo Xubnaha Agaasima Waaxeedyada Ayaa Kormeer Kusoo Maray Warshadaha iyo maalgashiga Ka hirgalay kana socda magaalada berbera kuwaas oo ay ka mid yihiin:
* MSG GROUP oo ka koobad warshadda sibidhka iyo Haamaha Shidaalka.
* SOMTUNA
* National Flour Mills