Shirka Shaqaale Weynaha Wasaaradda Horumarinta Maalgashiga iyo Warshadaha

Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maalgashiga Iyo Warshadaha Mudane Cabdilahi Cabdiraxman Aare Iyo Agaasimaha guud ee Wasaaradda Mudane Maxamed Cismaan Siciid ayaa saaka Hall-ka shirarka Wasaaradda kula shiray shaqaale waynaha Wasaaradda H. Maalgashiga iyo Warshadaha.
Kulankan oo ahaa mid bile ah oo ay ku kulmaan masuuliyiinta iyo shaqaalaha wasaraada.
Ujeedka kulanka oo ahaa sidii loo dardargalinlahaa shaqada wasaraada ay shaqaaluhuna isaga xilsaari lahaayee inay waajibaadkooda shaqo gutaan.
Sidoo kale madaama sanad cusub uu bilaabmay waxa ay masuuliyiintu shaqaalaha fareen in shaqada la iskukala xisaabtibtami doono, taa mid lamidana la isku dhiirigalin doono.
Ugu dambayntii shirka la iska qaatay in shaqaaluhu u yimaadaan si joogta ah loona dhamaystiri doono baahiyaha ay shaqaaluhu u baahanyihiin.
@Xafiiska warbaahinta