Shirka Todobaadlaha ah ee Wasiirka, Agaasimaha Guud iyo Agaasime Waaxeedada


Kulankii maanta ee todobaadlaha ahaa oo ay ku kulmaan Wasiirka, Agaasimaha Guud iyo dhammaan agaasimayaasha waaxaha kala duwan, oo ka dhacay xarunta Wasaaradda Horumarinta Maalgashiga iyo Warshadaha.
Kulanka waxa furey Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maalgashiga iyo Warshadaha mudane Cabdilaahi Cabdiraxman Aare isagoo ka hadlayo shaqada guud ee wasaarada ka socota iyo qorshe hawleedka ay gacanta ku hayaan waaxaha kala duwan ee wasaaraddu.
Dhankiisa isaguna waxa hadal qaatay Agaasimaha guud ee Wasaaradda Horumarinta Maalgashiga iyo Warshadaha mudane Maxamed Cismaan Siciid (Somali) oo ku booriyey Agaasime waxeedyada sida hufnaanta leh ee shaqada u wadaan, sidoo kalena wuxuu ka waramay mudadda kooban ee uu wasaaradda joogo qaabka ay u wada shaqeeyaan.
Sidoo kale waxa hadalka iska daba qaatay agaasime waxeedyada wasaaradda kuwaasoo dhamaantood ka warbixiyey halka ay shaqadu u marayso iyo sidii ay u dhamaystiri lahaayeen hawl qabadyada u yaal inta sanadka ka dhiman.
Ugu dambayn waxa kulanka soo xidhay Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maalgashiga iyo Warshadaha mudane Cabdilahi Cabdiraxmaan Aare oo dhamaan kula dardaarmay agaasime waxeedyada inay shaqooyinka dardargaliyaan ooy ku dhamaystiraan mudadda sanadka ka hadhsan.
@Xafiiska warbaahinta
Wasaaradda Horumarinta Maalgashiga iyo Warshadaha