Shirka Todobadlaha ah ee Wasiirka, Agaasimaha Guud iyo Agaasime Waaxeedada W.H.Maalgashiga iyo Warshadaha

Waxa saaka oo Sabti ah ka qabsoomay Hall-ka shirarka ee Wasaaradda Horumarinta Maalgashiga iyo Warshadaha Shirkii Todobaadlahaa oo isugu imanayeen Agaasimaha guud mudane Maxamed Cismaan Siciid iyo Agaasimeyaasha Waaxyaha Wasaaradda oo uu kala soo qayb galay Wasiirka Wasaarada Hormarinta Maalgashiga iyo Warshadaha Mudane Cabdilaahi Cabdiraxmaan Aare.
Shirkan oo ah mid Todobaadlaha ah ayey isku arkaan Masuuliyiinta Wasaaraddu si Shaqada loo derdergaliyo. Waxana ujeedkiisu daarnaa dhawr arimood oo ay ugu muhiimsanaayeen;
In la ilaaliyo Waqtiga Shaqada.
In Xafiiska Agaasimaha Guud subax. kasta Agaasime waaxeedyadu ay ku kala qaataan shaqada maalin laha ah.
In Waax walba Todobaad kasta hal Maalin Kulan Waaxda Gudaheeda yeeshaan.
Waxa kale oo Kulanka lagu soo qaadey dhamaystirka Annual Work Plan iyo Structure-ka Waaxyaha kala duwan.

@Xafiiska warbaahinta
Wasaaradda Horumarinta Maalgashiga iyo Warshadaha