SHIRKA WADATASHIGA SIYAASADDA WAXWADALAHAANSHAHA DAWLADDA IYO DADKA

Waxa saaka Hotel Maansoor ka furmay shirka wada tashiga qabyo-qoraalka 1aad ee siyaasadda iyo xeerka Wax-wadalahaanshaha Dawladda iyo dadka (Public Private Partnership) PPP.
Shirkaas waxaa kasoo qayb galay masuulyiin ka socda xukuumadda iyo xubno ka socda hay’addaha madax banaan, ganacsato iyo marti-sharaf badan.
Masuuliyiinta golaha wasiirradu waxa ay ku dheeraadeen ahmiyadda ay siyaasaddan iyo xeerkuba u leeyihiin dalkeena kuwaasi oo samaynaya kobac dhaqaale iyo horumar balaadhan.
Sidoo kale waxaa isla maantaba la bilaabay gorfaynta iyo wada tashiga Siyaasadda wax wada lahaanshaha dawladda iyo dadka PPP.
@Xafiiska warbaahinta
Wasaaradda Horumarinta Maalgashiga iyo Warshadaha