Wafti oo Hogaaminayo Wasiirka Wasaaradda H. Maalgashiga iyo Warshadaha ayaa gaadhay Ethiopia

Magaalo xudduudeedka Tog-wajaale waxaa lagu soo dhaweeyay wefti balaadhan oo uu hogaaminaayo Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maalgashiga Iyo Warshadaha Somaliland.
Masuuliyiin uu hoggaaminayay wasiirka Xafiiska Maal-galinta Iyo Warshadaha DDS, mudane Dayib Axmed-nuur ayaa si diirran magaalada Tog-wajaale ugu soo dhaweeyay masuuliyiin ka socotay Somaliland oo uu horkacayay wasiirka Wasaaradda Maal-gelinta Iyo Warshadaha Somaliland, mudane C/laahi C/raxmaan Aare.
Ujeeddada socdaalka wafdigan ayaa daarnayd ka-qeyb-galka carwo-bandhigeedka ganacsiga iyo warshadaha ee ka socota magaalada Jig-jiga iyo khibrad-wadaag dhanka horumarinta warshadaha ah.
Duqa maamulka Tog-wajaale, mudane Mukhtaar Cabdi iyo wasiirka Xafiiska Maal-gelinta Iyo Warshadaha DDS, mudane Dayib Axmed-nuur ayaa sheegay in ay muhiim tahay in la xoojiyo xidhiidhka labada dhinac ee Deegaanka Soomaalida iyo Somaliland.
Geesta kale, Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maalgashiga Iyo Warshadaha JSL Mudane C/laahi C/raxmaan Aare ayaa warbaahinta Deegaanka la wadaagay ujeeddada socdaalkooda.

@Xafiiska warbaahinta