Wafti uu hogaaminayo Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maalgashiga iyo Warshadaha ayaa soo kormeeray Aaga Warshadaha ee Maroodijeex

Wafti Uu Hogaaminayeey Wasiirka Wasaaradda H. Maalgashiga iyo Warshadaha Mudane Siciid Maxamed Buraale oo Ay Qayb Ka Ahayeen Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga Iyo Dalxiiska, Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Duulista, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Maalgashiga iyo Warshadaha Mudane Cabdifataax Ismaaciil Ducaale Iyo Qaar ka Mida Agaasime Waaxeedyada Wasaaradda Ayaa Gaadhay Aaga Warshadaha Ee Gobalka Maroodi-jeex.
Waxaana Halkaa Kusoo Dhaweyaay Waftiga Maayirka Magaaladda Salaxley, Xoghayaha Fulinta Degmada Salaxley Iyo Qaarr ka mida Xildhibanada Golaha Degaanka D.Salaxley, Taliyayaasha Ciidanka Booliska Ee Salaxley
Masuuliyiintan Ayaa Safarkoodu Daarana Kormeerida Iyo Hir galinta Dhamaystirka Aaga Warshadaha Ee Gobalka Maroodi-jeex.