Waftiga uu hogaaminayo Wasiirka Wasaaradda H.Maalgashiga iyo Warshadaha ayaa safar ugu baxay goboladda dalka

Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maalgashiga iyo Warshadaha ee JSL, Mudane Cabdirisaaq Ibraahim Maxamed, ayaa kormeer hawleed ugu baxay qaar ka mid ah gobollada bariga Somaliland,
waxaana safarkiisa ku wehelinayay agaasimaha Waaxda Warshadaha ee wasaaraddaasi Cabdalle Maxamuud Sheekh Cabdillaahi, agaasimaha Waaxda ka Caagan Cashuuraha Sakariye Maxamed Axmed iyo agaasime ku xigeenka waaxda maalgashiga Marwo Hanna Maxamed Yaasiin
Wasiir Cabdirisaaq ayaa kormeerkiisa ka bilaabay gobolka Saaxil, waxaanu kulan la yeeshay masuuliyiinta iyo maamulka gobolka Saaxil, iyaga oo wasiirka uga mahadnaqay booqashadiisa.

Ujeeddada kormeerka wasiirka ayaa ahayd xog ogaal u noqoshada wershadaha iyo Qiimayntooda awoodooda wax-soo-saar iyo maalgelineed, isaga oo soo indho-indheeyay qaabka ay u shaqeeyaan wershadahaasi, waxaanu kulamo gooni gooni ah la yeeshay madaxdii iyo masuuliyiintii wershadahaasi, waxaaney warbixinno ka siiyeen adeegyada ay Qaranka iyo bulshadaba u hayaan.
Geesta kale wasiirka ayaa masuuliyiinta wershadihii uu la kulmay ku bogaadiyay dedaalka iyo hawlkarnimada ay muujiyeen, waxaanu faray in ay juhdigooda sii laban laabaan.

Sidoo kale wasiirka ayaa intii uu ku guda jiray kormeerkiisa waxa uu soo maray warshadaha kala ah Horn Cemet oo soosaarta sibidhka iyo Som-tuna oo soo saarta Kalluunka dalka.

Gaba-gabadii wasiirku waxa uu kormeeray shan warshadood uu maalgeliyay ganacsadaha weyn ee Oomaar, warshadahaasi ayaa kala ahaa warshada Jiingadaha iyo masaabiirta, warshada saliida, warshada jayga, warshada daqiiqda, warshada saliida iyo haamaha shidaalka.
Waxaana Xusid Mudna In Teamkii Ka Socdey Wasaaradu Ay Foam Ka Buuxinayeen Ku Saabsana Awooda Wax Soo-saarka Warshada,Suuq geynta. Cashuur Dhaafka Iyo Shuurucda.


@Xafiiska warbaahinta
Wasaaradda Horumarinta Maalgashiga iyo Warshadaha