Waftigii uu hogaaminayay Wasiirka Wasaaradda H. Maalgashiga iyo Warshadaha oo booqday Magaalada Diridhaba

Wasiirka Maalgashiga iyo Warshadaha Somaliland Mudane Cabdilahi Cabdiraxman oo hogaaminaya wafdi heer sare ah oo ka socda Somaliland iyo Wasiirka Maalgashiga iyo Warshadaha Mudane Dayib Axmed Nur ee Dawlad degaanka Somalida
Dhinaca Somaliland.
Wasiirka Maalgashiga iyo Warshadaha Mudane Cabdilahi Cabdiraxman Aare iyo weftigii wegelinayey ayaa waxa ay booqdeen xafiiska ismaamulka Diridhaba halkaas oo uu kusoo dhaweeyey Maayar kuxigeenka Maamulka ahna Mamulka Warshadaha Ganacsiga iyo Maalgashiga ee Diredawa Mudane Xarbi Buuh.
Wasiirka ayaa intii uu safarka ku jirey si gaar ah u eegayay maalgashiga ku haboon labada dhinac ee Ismaamulka Diridhaba iyo Somaliland mustaqbalka iyo in maalgashadayaasha ismamulka Diridawa inay maalgashadaan Somaliland.
Dhinaca Ismamulka Diridhaba waxay soo bandhigeen fursadaha maalgashi ee Diridhaba iyo ganacsatada Somaliland iyo sida ay istaratiji ahaan ugu fiican tahay Diri-dawa waxayna soo wada booqdeen waftiga Somaliland iyo weftiga ka socdey Ismamulka Dawlad deagaanka Somalida iyo Madaxda Diri-Dawa (Dire Dawa Industry Park) oo ay ku yalaan dhamaan warshado waxsoo saar leh sida Warshada Redstar, Warshada Shemu iyo goobo Kale.
Wasiirka Maalgashiga iyo Warshadaha Somaliland Mudane Cabdilaahi Cabdiraxmaan Aare ayaa sheegay inuu danaynayo wada shaqaynta labada dawladood dhulinacyada adeegyo ganacsi iyo gaadiid oo kala duwan iyo arrimo laga qaadan karo khibrad iyo waayo aragnimo, waxaana sidoo kale maamulka Diridhaba uu ku casuumay madaxda sare. yimaadda dhulka Soomaliland.
Gabogabadii, wasiirka ayaa safarkaa ku soo afmeeray kullano iyo shirar isdaba-jooga uu la yeeshay masuuliyiinta Ismaamulka magaalada Dire-Dawa kuwaasoo dhammaantood ku soo dhamaaday is afgarad buuxa iyo wada shaqayn hore leh.
@Xafiiska warbaahinta