Wasaaradda H.Maalgashiga iyo Warshadaha ayaa qaabishay wafti maalgashato ah oo ka socda dalka Taiwan

Wasaarada Horumarinta Maalgashiga iyo Warshadaha waxa Kulan ku dhex maray Wafti Maalgashato ah oo ka socda dalka Taiwan waxaana Xoghayaha koowaad ee Safaarada Taiwan Mr Han-ching Fan.

Wafiga ayaa kala ahaa Sharikada AFTA GROUP oo ay Gudoomiye ka tahay Dr Susan Wang oo doonaysa inay ka samayso warshad lagu rakibo gaadiidka yaryar siiba mootooyinka, Alyne Chen Maamulaha guud ee shirkada Central Sky International Trading Company oo danaynaysa in ay Maalgashi ku sameeyaan dhinacyada wax soo saarka sida Macdanta, Kaluunka iyo Xoolaha.

Waftiga waxa qaabilay Wasiirka Wasaaradda Hon Aamina Cilmi Fariid, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Mudane Maxamed Cismaan waxaana weheliyanayay Agaasima Waaxda Cilmi Baadhista iyo Agaasime ku xigeenka Waaxda Dabagalka iyo Ilaalinta Tayada, Madaxda Wasaaraddu waxaanay uga warbixiyeen fursadaha Maalgashi ee dalka.