Wasiirka Wasaarada H.Maalgashiga ayaa qaabilay Madaxa Ocean Pioneers Trading Center u qaabilsan Africa

Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maalgashiga iyo Warshadaha Mudane Cabdirasaq Ibrahim Maxamed ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay u qaabilsanaha geeska Africa ee Ocean Pioneers Trading Center Investment and wholesale Mr. Ibrahim Omar Al-Turabi.
Mr. Ibrahim Al-Turabi oo hordhac u ah wafti balaadhan oo ka socda shirkaddan oo iman doona Somaliland ayaa waxa laga wada hadlay mashaariicda maalgashi ee ku haboon in ay ka fuliyaan Somaliland.

@Xafiiska Warbaahinta
Wasaaradda Horumarinta Maalgashiga iyo Warshadaha.