
Wasiirka Wasaaradda H.Maalgashiga ayaa qaabilay Madaxda ugu saraysa Shirkadda Shuraako
Wasiirka Wasaaradda H. Maalgashiga iyo Warshadaha Mudane Siciid Maxamed Buraale oo uu weheliyo Agaasimaha Guud Mudane Abdifatah Ismail Ducaale ayaa si wada jira u qaabiley oo kulan la qaatey Maamulka Shirkadda Maalgashiga ee ShuraakoShirkan ayaa u jeedadiisa ugu wayni aheyd sidii loo xoojin lahaa xidhiidhka ka dhaxeeya Wasaaradda Iyo Shuraako.
Madaxda Wasaaradda ayaa uga mahad celiyay doorka shariifka ah ee ay ka qaatan Maalgalinta. Waxayna ku dhiirigaliyeen in ay halkaas ka sii wadaan dedaalka ay ugu jiraan Maalgashiga.