Wasiirka Wasaaradda H.Maalgashiga iyo Warshadaha ayaa dhagax dhigay Aaga Warshadaha ee Gobolka Maroodijeex

Wasiirka Wasaaradda Horumarinta maalgashiga iyo warshadaha Mudane Cabdilaahi Cabdiraxmaan Aare iyo Masuuliyiin kale ayaa maanta dhagax dhigtay Aagga warshadaha gobolka m-jeex.
waxaana kasoo qayb galay Wasiirada wasaaradaha Maalgashiga,Arimaha gudaha,Maaliayada,Deegaanka,Hawlaha guud,Ganacsiga,Gud.Baanka dhexe,Ag.guud ee was/Maalgashiga iyo Maayarka Caasimada Hargaysa .
Ugu horayna waxa madashaashi ka hadlay Agaasimaha Guud ee wasaarada Horumarinta Maalgashiga Max'ed Cismaan Siciid oo faahfaahiyay Qorshaha loo diyaariyay warshadlayda iyo Maalgashadayaasha ganacsi ee ku hamiyaya Aas aaska warshadaha.
Waxa ay fursad weyn u tahay warshadlayda somaliland iyo maalgashadayaasha raba in ay waddanka warshado ka samaystaan in la helo dhul warshadaha u gaar ah oo lasiinaayo warshadlayda.

Fursaddan ay wasaaradda Horumarinta Maalgashiga iyo Warshadahu maanta hirgelisay dhagaxdhigeeda waxa ay meesha ka saaraysaa carqalad weyn oo maalgashatada warshadaha ka haysatay helitaanka dhil ku haboon warshadaha.

Wasiirada Wasaaradaha Horumarinta Deegaanka Marwo Sgugri X.Baadare,Wasiirka wasaarada Ganacsiga Max'ud Sacad Saajin,Wasiirka W.Halaha guud guryaynta iyo dhulka C/laahi Abokor Cismaan,Wasiirka Maaliyada Dr.Sacad Ali shire,Wasiirka Arimaha Gudaha Max'ed Kaahin ahmed oo hadalka isaga dambeeyay ayaa bogaadiyay hawsha ay qabatay wasaarada H.Maalgashiga iyo warshadaha iyagoo ka waramay wada shaqaynta waajibaadka ka dhexeeya wasaaradahooda iyo wasaarada maalgashiga iyo warshadaha ee ku aadan Qorshaha Aaga Warshadaha Caasimada Hargaysa.

Waxaa sidoo kale Wasaaradda H.Maalgashiga iyo warshaduhu maanta u qoondaysay maalinta u warshadaha somaliland 9/10/2022.
Waxaa dedaallada ay wado wasaaradd H. Maalgashiga iyo warshaddaha ka mid ah jn inta sanadka ka hadhsan la dhamaystiro qoondaynta aagga warshadaha intabadan gobollada somaliland.

Ugu dambayn Wasiirka W.Horumarinta Maalgashiga iyo Warshadaha C/laahi C/raxmaan Aare Ayaa ka waramay sida wasaaradu ay isaga xil-saartay Diyaarinta Aaga Warshadaha isagoo u Mahadnaqay Meeyarka Caasimad iyo Wasaaradihii kala duwanaa ee kala shaqeeyay Diyaarinta Dhulka Aaga Warshadlayda.

@Xafiiska warbaahinta
Wasaaradda Horumarinta Maalgashiga iyo Warshadaha