Wasiirka Wasaaradda H.Maalgashiga iyo Warshadaha ayaa la kulmay Rugta Ganacsiga ee Hamburg

Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maalgashiga iyo Warshadaha Mudane Cabdilaahi Cabdiraxmaan Aare oo ku guda jira safarkii uu hogaaminayay ee uu ku joogay Wadanka Jarmalka ayaa maanta kulamo la qaatay la qaatay Runta Ganacsiga iyo Warshadaha ee Hamburg.

Ugu horayn Wasiirka ayaa madaxda Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha ee Hamburg u jeediyay Warbixino ka hadlaya Jamhuuriyadda Somaliland inay tahay dal u furan maalgashi, una soo bandhigay ilaha maalgashi ee dihin ee ka banaan Jamhuuriyadda Somaliland.

Ugu dambayntii kulankani waxa uu kusoo dhamaaday is fahan labada dhinac, sidoo kale Madaxda Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha ee Hamburg waxa ay soo dhaweeyaan una bogeen khayraadka dihin ee Jamhuuriyadda Somaliland iyaga oo u soo bandhigi doona Maalgashatada dalka Jarmalka.
@Xafiiska warbaahinta
Wasaaradda Horumarinta Maalgashiga iyo Warshadaha