Wasiirka Wasaaradda H.Maalgashiga iyo Warshadaha ayaa Qaabilay Wafti Maalgashadayaal oo ka socda UAE

Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maalgashiga iyo Warshadaha mudane Cabdilaahi Cabdiraxmaan Aare ayaa saaka xafiiskiisa ku qaabiley masuulka ugu sareeya shirkada ALMATUCO TOBACCO CO. FZE
Weftigan maalqabeenka u dhashay wadanka UAE waxa ku wehelinayey Lataliyaha madaxweyne Kuxigeenka JSL mudane Xuseen Muuse Al-Ashaqi ayaa ujeedkiisu ahaa sidii uu war bixin uga heli lahaa ilaha maalgashi ee dhanka beeraha iyo isgaadhsiinta.
Dhankiisa Wasiirka wasaaradda Horumarinta Maalgashiga iyo Warshadaha ayaa uga warbixiyey sida ay muhiimka u tahay maalgashi shisheeye iyo fursadaha ay danaynayaan ka dawladd ahaan la maalgashado.