Wasiirka Wasaaradda H.Maalgashiga iyo Warshadaha ayaa soo dhawayn iyo qaabilaad la qaatay Maamulka Shirkadda Setab Food Production

Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maalgashiga iyo Warshadaha JSL Mudane Cabdilahi Cabdiraxmaan Aare ayaa kulan soo dhawayn iyo Qaabilaad ah Xafiiskiisa kula qaatey Maamulka Shirkadda Setab Food Production, Madaxa iyo Aasasaha, Cabdifataax Siciid Laangadhe iyo Ito Admasu Weldeyes oo ah Maareyaha Guud ee Shirkadda.
Shirkadda Setab Food Production oo ka mid ah Shirkadaha ugu waawayn Dalka Mareykanka, ee Cuntooyinka soo saara sida (Pizza Hut, Cold Stone Creamery and Burger king) Maalgashatayna in ka badan 5,000,000 Million oo ah Direct Foriengn Investment.
Wasiirka Wasaarada Horumarinta Maalgashiga iyo Warshadaha Mudane Cabdilaahi Aare ayaa Dhiirigeliyey Dedaalka Shirkaddu Waddo Bogaadiyayna Horumarka Shirkada.
Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa uga warbixiyey sida ay muhiimka u tahay Maalgashi shisheeye iyo fursadaha ay danaynayaan ka dawladd ahaan in la Maalgashado.
Dhinaca kale waxaa Maamulka Shirkaddu ay aad ugu Mahadceliyeen Soo dhawayntii iyo taageeradii ay ka heleen Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maalgashiga iyo Warshadaha.
Ugu dambayntii kulanka ayaa kusoo gabogaboobey sidii ay Shirkadu u Maalgashan lahayd Dalka.

@Xafiiska warbaahinta
Wasaaradda Horumarinta Maalgashiga iyo Warshadaha