Wasiirka Wasaaradda H.M.W. ayaa qaabilay wafti ka socda Sweden

Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maalgashiga iyo Warshadaha ee JSL Mudane Cabdirisaaq Ibrahim Maxamed ayaa saaka xafiiskiisa ku Qaabiley wefti ka socday dalka Sweden. Weftigan oo ujeedkoodu ahaa sidii ay uga Qaybqaadan lahaayeen maalgashiga shisheeye iyo horumarinta Kaabayaasha dhaqaale ee wadanka. Sidoo kale weftigu waxey aad u Danaynayeen inay wax ka ogaadan fursadaha Maalgashi ee dalka ka jira. Wasiirka Ayaa Waxaa Kulankan Ku Wehelinayeey Agaasimayaasha Waaxyaha Maalgashiga, Warshadaha Iyo Qorshaynta Ee Wasaaradda Horumarinta Maalgashiga iyo Warshadaha.