Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maalgashiga iyo Warshadaha ayaa kulan la qaatay Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha ee Hannover

Waftigii uu hogaaminay Wasirka Hurumarinta Maalgashiga iyo Warshadaha Somaliland, Mudane Cabdillahi Cabdiraxmaan Aare ee ku maqnaa wadanka Germany, ayaa maanta wuxu shir wax-ku ool ah la yeeshay Rugta Ganacsiga iyo Warshadah ee Hannover.

Shirka waxa diiradda lagu saaray arrimo badan oo ay mid tahay sidii shirkadaha waaweyn dalka Germany u imanlaayeen una maalgashanlahaayeen Somaliland.
Wuxu halkaa Wasir ku ku soo bandhigay fursadaha maalgashi ee ka furan dalka JSL.