Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maalgashiga iyo Warshadaha ayaa la kulmay Agaasimaha Maamulka Dekedda Hamburg

Wasiirka Wasaaradda Maal-gashiga iyo Horumarinta Wershadaha Somaliland, Mudane Abdilahi Abdirahman Aare Oo ku guda Jira safar shaqo oo uu ku Marayay qaar kamid ah dalalka yurub gaar ahaana wadanka Jarmalka oo kulamo kala duwan uu kula qaadanayay Masuuliyiin kamid ah Madaxda dalkaasi ayaa kulan miro dhal ah la yeeshay Agaasimaha Maamulka ee Shirkadda La-talinta Dekedda Hamburg ee GmbH Dr. Nils Kemme.

Intii uu socday kulanka ayaa waxaa lagu lafa guray muhiimadda ay leedahay Dekedda caalamiga ah ee Berbera, horumarinta gaadiidka dambe ee mustaqbalka, iyo sidii labada dekedood ee Hamburg iyo Berbera si wada jir ah iskaga kaashan-lahaayeen ugana faa’iidaysan lahaayeen hurumarinta Mustaqbalka fog.
Wasiirka Horumarinta Maalgashiga iyo Wershadaha Somaliland ayaa si qoto dheer uga waramay Mihiimada istiraatijiyadeed ee Somaliland ay siinayso dhinaca Maalgashiga.

Dekeda Magaalada Berbera oo ku taal goob istaraatejiyadeed oo geeska Africa ah ayaa indhaha Caalamku ay aad u eegayaan iyada oo somaliland-na ay ka faa'idaysan karto Marsada Berbera iyo Xidhiidhada Caalamiga ah ee Caalamka ay la yeelanayso.
@Xafiiska warbaahinta
Wasaaradda Horumarinta Maalgashiga iyo Warshadaha